Guddoonka golaha Shacabka oo la kulmay guddiga qaban qaabada doorashada Madaxweynaha

HomeWararka

Guddoonka golaha Shacabka oo la kulmay guddiga qaban qaabada doorashada Madaxweynaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliyaan Guddoomiye ku xigeenk

Madaxweyne Farmaajo oo hambalyo udiray Joe Bidden iyo Kamala Harris
Beelo Ood-wadaag ah oo Isku Horfadhiya Deegaanka Biyo Guduud ee G Sanaag (dhegayso)
XAALADDA ABAARTA EE DEEGAANADA HOOS YIMAADA DEGMADA BURTINLE (Warbixin)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliyaan Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Aqalka Sare mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Guddoomiye ku Xigeenka 2-aad ee Golaha shacabka mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa maanta gelinkii dambe kulan la qaatay Gudigga Isku-dhafka ah ee Qabanqaabada Doorashada madaxweynaha.

Guddoomiyaha ayaa marka hore ugu hambalyeeyay gudigga maanta hoggaanka ay iska dhex doorteen, waxaana uu ku dhiira geliyay in si sax ah loo dhaqan geliyo jadwalka doorashada.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen guddoomiyaha la dootay ee Gudigga Isku-dhafka ah ee Qabanqaabada Doorashada madaxweynaha mudane Senator Cabdiqani Geelle Maxamed iyo ku-xigeenkiisa Xil. Maxamed Keerow Maxamed.

Muhiimadda kulanka ayaa diiradda lagu saaraayay jadwaleynta iyo qabashada dooraashada madaxweynaha oo ku dhacda jawi nabdoon, hufan oo lagu wada qanacsan yahay.

Madaxda waxa ay si gaar ah uga hadleen amniga doorashada, waxayna hoosta ka xariiqeen in xil gaar ah la iska saaro adkeyta amniga doorashada.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: