Guddoomiyeyaasha labada Aqal oo ka wada hadlay qabsoomida kulanka Wadajirka ah

Guddoomiyeyaasha labada Aqal oo ka wada hadlay qabsoomida kulanka Wadajirka ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur(Madoobe) ayaa maanta hoygiisa ku soo dhoweeyey Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Kulanka labada mas’uul ayaa looga hadlay kal-fadhiga Baarlamaanka ee loo balansan-yahay May 04,2022 in uu noqon doono mid wadajir ah, kaas oo looga hadli doono arrimaha doorashada madaxweynaha dalka iyo miisaaniyada dowladda ee sanadkan 2022-ka.

Guddoomiyaha Aqalka Sare aya uga mahad celiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur(Madoobe) soo dhaweynta uu u sameeyay, isaga oo sheegay in labada Aqal ay si wanaagsan u Shaqeyn doonaan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com