Guddoomiye Mursal: ”Madaxda Dowlad goboleedyada go’aan kama gaari karaan Arrimaha Doorashooyinka.”

Guddoomiye Mursal: ”Madaxda Dowlad goboleedyada go’aan kama gaari karaan Arrimaha Doorashooyinka.”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in aysan madaxda dowlad goboleedyada go’aan ka gaari karin arrimaha doorashooyinka.

Guddoomiye Mursal ayaa sheegay in Madaxda Dowlad goboleedyada aysan go’aan ka gaari karin nooca ay noqoneyso doorashada la filayo inay ka dhacdo dalka balse go’aan ka gaarista ay leeyihiin Baarlamaanka.

“Meel ay ku qoran tahay ma jirto xilligaan in la aado doorasho dadban, wixii shuruuc ah ee doorasho lagu aadi lahaa waxaa iska leh Baarlamaanka malahan dowlad goboleedyada.” ayuu yiri Guddoomiye Mursal.

Sidoo kale guddoomiyaha waxaa uu sheegay in marnaba aysan aqbaleyn in la galo doorasho dadbadan,iyada oo Baarlamaanka ay ansixiyeen sharciga doorashooyinka oo dhigaya in la qabto doorasho qof iyo Cod ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sidoo kale ka hadlay Safarkii Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad uu shalay ku tegay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.

Guddoomiye Mursal ayaa waxaa uu sheegay in Guddoomiye Mahad Cabdala Cawad uusan Dhuusamareeb u tegi matalaad uu matalayo Golaha Shacabka, hayeeshee uu isaga iskiis ku aaday halkaas.

“Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cawad matalaad uu matalayo Golaha Shacabka kuma aadin magaalada Dhuusamareeb, arrintaas fajac ayay nagu noqotay markii aan aragnay sawirada isaga oo la socda Ra’isal Wasaaraha, saaxibkeen Mahad Cawad danihiisa ayuu u aaday Dhuusamareeb ee anaga nama matalo, guddoon daba socda Xukuumadda wa ceeb” ayuu yiri Guddoomiye Mursal.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com