Guddoomiye Madaale: ”Dukaamadda lagu iibiyo Raashinka & daroogada waa isku mid”

Guddoomiye Madaale: ”Dukaamadda lagu iibiyo Raashinka & daroogada waa isku mid”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in iibinta waxyaabaha maanka dooriya ee daroogada ah ee kusoo badanaya magaalada ay qeyb ka qaadanayaan amni darrada kajirta magaalada muqdisho.

Wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray in meel kasto oo kamid ah magaalada Muqdisho si caadi ah loogu iibiyo waxyaabaha maanka dooriya sida dukaamada Burka iyo Bariiska lagu iibiyo iyo kuwa daroogada ay yihiin kuwo iskumid ah .

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo hadal ka jeedinayay kulan looga hadlayay doorka Bulshada ee ka qaadan karto Horumarinta iyo Xasilinta Amniga Caasimada waxaa uu sidoo kale sheegay in Goobaha lagu iibiyo waxyaabaha maanka doriya iyo Hoteelada lagu tunyo ee kuyaalla magaalada Muqdisho ilaaliyaan ciidamo katirsan Booliska iyo Millateriga Soomaaliya taasina ay tahay dhibaato kale.

” Waxaan rabaa sida ay bulshada noo aaminto inaan kasbano, waxaase dhibaato ah inaysan naa aaminsaneyn, beryahaan waxaan ka cabaneynay in qofkii Bulshada kamid ah ee qof dambiile ah soo sheega in qofkii la xiray la soo deeynaao oo Xildhibaano iyo Wasiiro ay daba oradayaan ayuu yiri” Guddoomiyaha.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com