Guddoomiye Jawaari oo udigay ciidamada iyo golaha xukuumadda (dhegayso)

HomeWararka

Guddoomiye Jawaari oo udigay ciidamada iyo golaha xukuumadda (dhegayso)

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ee mowshinka uu ka yaalo golaha baarlamaanka ayaa ku eedeeyey xukuumadda inay wadd

CORONAVIRUS ma foga ee maxaa hadda dad iyo dowlad la gudboon?
Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo ka qayb-galay shir looga hadlay ka hortaga nafaqo-darrada ka jirta Puntland (dhegayso)
Radio Ergo oo Tababar Garoowe uga furtay 12 Wariye oo ka kala yimid gobaladda Dalka.(Daawo)

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ee mowshinka uu ka yaalo golaha baarlamaanka ayaa ku eedeeyey xukuumadda inay waddo afgambi baarlamaan, isagoona si gaar ah farta ugu fiiqay ciidamada dowladda ee ammaanka xarunta baarlamaanka loo saaray oo uu sheegay inay keeni karto kacdoon shacab.

Jawaari ayaa hadalkan ka sheegay xalay hoygiisa shir jaraa’id uu ku qabtay, waxaana uu kusoo beegmayaa xilli xiisadda siyaasadeed ee mowshinka uu sii xoogaystay, kadib markii guddiga aqalka sare uu usaaray xalinta mowshinka ay sheegeen inay ku fashilmeen oo ay gacanta ka taageen.

Khilaafka baarlamaanka ayaa sidoo kalle saameeyey shir guddoonka baarlamaanka gaar ahaana labadiisa kuxigeen oo isku khilaafsan shir guddoonka baarlamaanka, waxaana ay beri ku beegantahay xilliga uu guddoomiye kuxigeenka koowaad ee baarlamaanka uu sheegay in mowshinka loo qaadi doono guddoomiye jawaari, inkastoo kuxigeenka labaad ee baarlamaanka uu kasoo horjeestay sharciyadda shir guddoonka baarlamaanka oo uu sheegay inuu wali yahay guddoomiye Jawaari.

”Khayre waa nin fiican oo shaqo yaqaan ah, hase yeeshee maalmahan damba wuxuu ka talo qaataa Engineeradii ku taqasusay buburinta Baarlamaankii Sideedaad, waxaan kula talinayaa dadkaasi inuusan war ka maqlin, annaga Mooshin kaama wadin, xaq ayaan u leenahay inaan kula xisaabtano, dhulka dhig xaajada.” Ayuu yiri Jawaari.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: