Guddoomiye Aadan Madoobe oo beeniyay Warar laga baahiyay safarka uu uu ku marayo qaaradda Yurub

Guddoomiye Aadan Madoobe oo beeniyay Warar laga baahiyay safarka uu uu ku marayo qaaradda Yurub

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa booqasho ku jooga magalada Vienna ee dalka Austria ayaa halkaasi ka wada kulamo kala duwan oo uu la qaadanayo Madaxda dalkaas.

Kulamadii ugu dambeeyay ayaa waxaa uu la qaatay dhiggiisa dalka Austria Mudane Wolfgang Sobotka, iyaga oo ka wada hadlay arrimo ku saabsan labada dale e Soomaaliya iyo Austria.

Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdullaahi Cusmaan (General ciiroow) oo kamid ah wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa beeniyay warar maalmihii la soo dhaafay aad loogu faafinayay Baraha Bulshada oo qaar kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ay shaacinayeen oo ahaa in uu Guddoomiyaha Madaxda dalka ustria kala hadlayo arrimo ku saabsan u doodida dadka isku jinsiga ah ee is guursanaya.

Xildhibaanka waxaa uu sheegay in warkaas uu yahay mid aan waxba kajirin, isla markaana ay soo abaabuleen dad doonaya nay suurad xumeeyaan safarka Guddoomiyaha oo uu sheegay in uu heshiis la saxiixday dhiggiisa dalka Austria iyo Madax kale.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa lagu wadaa in uu booqdo wadamo kale oo kuyaalla qaarada Yurub, isla markaana Madaxda dalkaas uu kala hadlo arrimo ku saabsan xaaladda Soomaaliya, sida dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab & waxka qabashada Abaarta.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com