Guddoomiyaha Xafiiska Xuquuqul Aadanaha Puntland oo la doortay

Guddoomiyaha Xafiiska Xuquuqul Aadanaha Puntland oo la doortay

Garyaqaan Siciid Cabdi Muumin ayaa ka guuleystay Guddoomiyaha Xafiiska Xuquuqul Insaanka Puntland wuxuuna helay 33 cod halka wasiirkii hore ee haweenka Maryan ay heshay 29 cod.

Doorashada ayaa ka dhacday hoolka Barlamaanka Puntland ee Garoowe waxayna ahayd doorasho la wada sugayey cidda sanadkan ku guulaysta.

Waxaan tartanka ka qaybgalin Guddoomiye Maxamed Yuusuf oo xilka shan sano soo hayey illaa asaaskii Xafiiska. Guddoomiye Maxamed Yuusuf ayaa Madaxtooyada iyo hoggaanka Barlamaanka ku eedeeyey in ay si sharciga baalmarsan uga horyimaadeen in uu mar kale jagada isu soo sharraxo, ayna magaciisa ka saareen liiska musharixiinta Guddoonka Xafiiska.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com