HomeUncategorized

Guddoomiyaha guddiga ganacsatada Barkaaraha oo walaac ka muujiyey dib u hawl-galidda suuqa kaddib markii m/weyne Shariif ku dhawaaqay furitaankiisa.

Caption ...

Dhegayso: Khudbadii Madaxweynaha Koonfur Galbeeg ka jeediyey Xarunta Madaxtooyadda Puntland
Dagaal Dhimasho Sababay oo Dhex-Maray Gal-Mudug iyo Al-shabaab
Magaalada Galkacyo oo ay ka bilawdeen hawgallada la-dagaalanka burcad badeedda.

Muqdisho, Oct 09 – Iyadoo maalintii shalay ahayd m/weynaha dawladda fedraalka KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sh Axmed uu ku dhawaaqay in maanta wixii ka dambeeya uu furan yahay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, ayaa haddana waxaa soo baxaya walwal iyo cabsi ay qabaan dadkii ku ganacsan jiray suuqaas.

Ganacstadu, waxay tilmaameen wali in uusan jirin amni-buuxa oo la isku hallayn karo, suurtagalna ka dhigi kara in ay ganasatada Muqdisho ay dib uga hawl bilaabaan suqaasi Bakaaraha oo muddooyinkii ugu dambeeyey ay dawladdu gacanta ku haysay.

Sh. Cali Maxamed Siyaad oo ah guddoomiyaha guddiga ganacsatada suuqa Bakaaraha oo maanta u warramay Radio Daljir, ayaa sheegay cabsi iyo baqdin weyn in ay ka qabaan ammaanka suuqaasi, xilligaanna aysan xoolahooda ku aamin karin arrinkaasi awgiis.
Guddoomiyuhu, waxaa uu sheegay dib u hawl-galidda suuqaasi in ay ku xiran tahay ballan-qaad dhab ah oo laga helo xagga dawladda, kaasoo caddaynayo amni helidda ganacsatada iyo ganacsigooda.

Hadalka guddoomiyaha guddiga ganacsatada ee suuqa Barkaaraha ayaa yimid kaddib markii maalintii shalay ahayd m/weynaha dawladda federaalku uu booqasho ku tagay Bakaaraha, kuna dhawaaqay in suuqaasi uu si rasmi ah u furan yahay wixii maanta ka dambeeya.

Diiwaanka wararka,
Daljir http://daljir.com/

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: