Dagaal Dhimasho Sababay oo Dhex-Maray Gal-Mudug iyo Al-shabaab

Burtinle, 01March, 2016 -(Daljir)_Ugu yaraan shan ruux oo dhinacyadii Dagaallamay ka mid ah ayaa ku dhintay, tobaneeyo kalena way ku dhaawacmeen Dagaallo culus oo Maanta ku dhex-maray Ciidammo ka tirsan Galmudug iyo Xoogagga Al-shabaab Deegaanka Ceel-cabdi oo ka tirsan gobolka Mudug, qiyaastiina 60-km u jira Degmada Xarar-dheeere.
 
Wararka ayaa intaas ku daraya in dagaalkaan uu ahaa mid culus oo dhinacyadu ay hub kala duwan adeegsanayeen, waxaana saraakiil ka tirsan Galmudug ay sheegeen inuu dagaalkani dhaliyay fara badan.
 
“Deegaanada Ceel-cabdi waxaa maanta ka dhacay dagaal u dhexeeya Ciidanka maamulka Galmudug iyo xoogagga Al-shabaab, kaasoo dhaliyay khasaare aad u badan,” ayay Xubno ka tirsan maamulka Galmudug waxay si kooban ugu sheegeen Warbaahinta.
 
Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaan ay qayb ka ahaayeen ciidammo ka tirsan kuwa deegaanka oo ka Bar-bar-dagaallamaya Ciidamada Maamulka Galmudug; iyadoo ay horay dhinacyadan ugu dagaalameen deegaannadan.
 
Magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud oo ah xarunta maamulka Galmudug ayaa lasoo sheegayaa in la gaarsiiyay duhurnimadii Talaadada maanta ah dhaawacyo Dagaalkan kasoo gaaray ciidamada maamulkaas.
 
Wasiirka Amniga Galmudug, Cismaan Ciise Nuur [Taar-dhuleed] oo Dagaalkaan VOA-da uga warbixiyay dagaalka ayaa sheegay inay dhankooda saddex askari oo keliya dhaawacyo kasoo gaareen, ayna khasaare xooggan u geysteen Xoogaggii Al-shabaab ee ay Dagaalka la galeen.
 

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com