Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay danjiraha dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay danjiraha dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa Villa Hargeysa ku qaabilay danjiraha dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Amb. Dr. Abdalla bin Salim Al Nuceymi.

Kulanka Guddoomiye Sheekh Aadan iyo danjiraha ayaa looga hadlay xiriirka labada baarlamaan iyo wadashaqeyntooda. Sidoo kale waxaa looga hadlay sidii dowladda Qatar ay kaalin uga qaadan laheyd aqoon kororsiga Xildhibaannada iyo howl-wadeennada Golaha Shacabka, waxaana uu guddoomiyuhu xusay in dowladda iyo shacabka Qatar ay kaalin weyn ka soo qaateen dib u dhiska dalka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com