Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Netherlands

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Netherlands

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta magaalada The Hague ee dalka Boqortooyadda Netherlands kulan kula qaatay Marwo Vera Bergkamp, oo ah Guddoomiyaha Baarlamaanka dalkaasi.

Kulanka labada mas’uul ayaa looga hadlay adkeynta xiriirka labada baarlamaan, iyo is-dhaafsiga aqoonta ee la xiriirta xildhibaannadda iyo howlwadeennada.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ,Sheekh Aadan Madoobe ayaa baarlamaanka dalkaas iyo mas’uuliyiintooda uga mahadceliyey soo dhoweynta diiran ee loo sameeyey isaga iyo wafdigiisa waxaana uu sheegay in Dowladda Soomaaliyeed ay dagaal adag kula jirto Al Shabaab iyo degaannadda laga xorreeyay sidii gargaar loo gaarsiin lahaa.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com