Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ku dhawaaqay go’aan la xiriira howlgallada

HomeWararka

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ku dhawaaqay go’aan la xiriira howlgallada

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan oo safar kumaraya qeybo ka mida gobolka Hiiraan ayaa waxa uu sheegay in dib loo bilaabayo howlgalladii

Ahmed Muumin Seed criticizes VP Saylici of Somaliland: Don’t you forget that everyone, except you, represents his people and region!
Warka Arooryo iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso)
Saaka & Dunida iyo Axmed Shiikh Maxamed Tallman, Bossaso (dhegayso)

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan oo safar kumaraya qeybo ka mida gobolka Hiiraan ayaa waxa uu sheegay in dib loo bilaabayo howlgalladii ka dhanka ahaa Ururka Al-Shabaab ee ka socday gobolka hiiraan oo mudooyinkii u dambeeyay joogsaday

Goddoomiye Cali Jeyte oo la hadlayay qeybo ka mida Ciidamo loo diyaariyay howlgalka ayaa shegay in Al-Shabaab ay ummadda Soomaaliyeed oo dhan ay cadow ku yihiin oo aysan gobolka hiiraan kaliya cadaw ku ahayn.

Wuxuu hadlkiisa uu intaasi kudaray in la laba jibaari doono howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee laga fulinayo gobolka Hiiraan, sidoo kalena lagu baahind oono gobolada kala ee dalka.

Gobolka Hiiraan oo kamid ah Goboladii ugu horreeyay ee uu ka billoowday kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa joogsaday maalmihii la soo dhaafay wallow hadda sida uu sheegay guddoomiye Cali Jeyte uu dib u bilaabanayo

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: