Dad isku qoys ahaa oo lagu dilay duleedka Warsheekh & faah faahin laga helayo

Dad isku qoys ahaa oo lagu dilay duleedka Warsheekh & faah faahin laga helayo

Wararka aan ka heleyno deegaanka xaluule oo hoostaga degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan ay xalay deegaankaas ku dileen dad shacab ah.

Raga hubeysan oo maleeshiyo beeleed ah ayaa rasaas waxa ay ku fureen goob ay ku sugnaayeen qoys ee deegaanka xaluule oo kamid ah deegaanada hoostaga Warsheekh.

Qoyska dil wadareedka loogu geystay Tuulada Xaluule Ee degmada Warsheekh waxa ay ka boonaayeen shan ruux oo lagu kala magacaabijiray Safiya Sheekh Abuukarow, Abuukar Iidow, Sheekh Muxumed Sheekh Cabdi Celi iyo Sangaabo Maxamuud Xuseen, iyada oo dilka kadib ay goobta ka baxsadeen raggii hubeysnaa ee dilka u geystay dadkaas.

Wararka ayaa intaas kusii darayaan in dilkaan xalay ka dhacay deegaanka xaluule uu salka ku haayo arrimo la xiriira aanooyin qabiil oo horey uga dhacday deegaankaas, oo ay dagaan beelo walaalo ah.

Dilalka la xiriira aanooyinka qabiil ayaa kusoo batay waayadii dambe degaannada Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana dhawaan a aheyd markii sidaan oo kale dilal & dagaalo ay ka dhaceen Gobolkaas wallow heshiis laga gaaray.

Maamulka degmada Warsheekh & kan Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaan weli ka hadlin dil wadareedka, waxaana warraka aan helnay ay sheegayaan inay socdaan howlgallo lagu baadi gobayo dadkii falkaasi dilka ahaa ka dambeeyay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com