Guddoomiyaha gobalka Bari Cabdisamad Abwaan oo Bosaaso ku soo laabtay

Guddoomiyaha gobalka Bari Cabdisamad Abwaan oo Bosaaso ku soo laabtay

Ku-simaha Guddoomiyaha Ahna Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Ee Gobolka Bari Axmed Cali Cabdulaahi Ciro, ayaa maanta waxa uu Magaaladda Bosaaso ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Bari Mudane Cabdisamad Yuusuf Mohamed Abwaan, oo muddo Bil ah ku maqnaa Dalka Dibadiisa.

Soo dhaweynta Guddoomiyaha ayaa waxa maanta ka qeyb qaatay Maamulka Gobolka Bari, Taliska Ciidanka Booliska Gobolka Bari Oo uu Hogaaminayo Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari, Maamulka Dagmadda Bosaaso oo horkacayo Guddoomiyaha Dagmadda, Isimo, Nabadoono, Cuqaal, Iyo Bulsho weynta Magaaladda Bosaaso.

Guddoomiye Cabdisamad Abwaan, ayaa Dhammaan Dadkii soo dhaweeyey uga mahadceliyey sida wanaagsan ay u soo dhaweeyen, Maamulka Gobolka Bari, Taliska ciidanka, Maamulka Magaaladda Bosaaso, iyo cid waliba oo ka qeyb qaadatay soo dhaweynta maanta.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com