Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo Safiirka Cusub ee turkiga u fadhiya somaaliya la kulmay (dhegayso/sawiro)

HomeWararka

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo Safiirka Cusub ee turkiga u fadhiya somaaliya la kulmay (dhegayso/sawiro)

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo Xafiiskiisa Xarunta Dawladda Hoose ku qaabilay Sa

Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)
Golaha shacabka Somaaliya oo maanta kulan yeelanaya
Madaxweynaha Galmudug oo ka qayb galay Munaasabad lagu xusayeey Maalinta Nabadda Aduunka (Daawo)

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo Xafiiskiisa Xarunta Dawladda Hoose ku qaabilay Safiirka Cusub ee Dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz ayaa adkeeyey xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeysa labada dal.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ugu horreyn ku soo dhaweeyey Danjiraha Cusub Caasimadda dalka ee Muqdisho ayaa warbixin dheer ka siiyey Taariikhda faca-weyn ee ay ku fadhido Muqdisho, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo xiriirka soo jireenka ah ee ay wadaagaan labada bulsho.

Wariyaha Radio daljir ee Muqdisho Cabdiraxmaan waaberi ayaa warkan Muqdisho kaso diray.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: