Madaxweynaha Galmudug oo ka qayb galay Munaasabad lagu xusayeey Maalinta Nabadda Aduunka (Daawo)

Madaxweynaha Galmudug oo ka qayb galay Munaasabad lagu xusayeey Maalinta Nabadda Aduunka (Daawo)

Madaxweynaha dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed ducaale Geelle iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowlad gobaleedyada Puntland iyo Galmudug ayaa maanta si wadajir ah uga qeyb galay munaasabadda lagu maamuusayay maalinta Nabadda iyo Horumarka isboortiga oo lagu qabtay magaalada Gaalkacyo.

Munaasabadda oo ay ka qeyb galeen kumaanaan dadweynaa oo ka kala yimid xaafadaha magaalada Gaalkacyo kuwaas oo isku soo baxay bartamaha magaalada, sidoo kalana wadooyinka magaalada ku maray orad gaaban oo uu horkacayay Madaxweyaha Galmudug ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Guddoomiyayaasha degmada Gaalkacyo ee labada maamul Xirsi Yuusuf Barre iyo Saahid Maxamuud Cali.

Guddoomiyaha Gobalka Mudug Cabdirashiid Xaashi Cartan ayaa isna ka hadlay ahmiyadda ay Nabaddu u leedahay bulshada Gobalka Mudug.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Faadumo Cali Nuur ayaa sheegtay in Nabadda xiligaani ka jirta magaalada Gaalkacyo ay tahay mid ku dayasho mudan

Sidoo kale munaasabadda oo intii ay socatay ay ka hadleen xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Galmudug ayaa waxaa gunanadki ka hadlay Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle oo sheegay in bulshada Gobolka looga fadhiyo sidii ay wada jir uga qeyb qaadan lahaayeen Nabadda iyo isdhexgalka bulshada.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com