Guddoomiyaha Barlamaanka Somaaliya oo kulan isugu yeeray Agaasimayaasha iyo Madaxda Warbaahinta

HomeWararka

Guddoomiyaha Barlamaanka Somaaliya oo kulan isugu yeeray Agaasimayaasha iyo Madaxda Warbaahinta

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa saaka kulan la yeelanaya Agaasimayaasha

Caawa & Daljir iyo Jaamac Cabdiraxmaan, Daljir Garoowe (dhegayso)
ATMIS convoy strikes roadside bomb in Jowhar
Xulashada Daljir & Jaamac Cabdiraxmaan Faandhe, Daljir Garoowe (dhegayso)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa saaka kulan la yeelanaya Agaasimayaasha iyo Madaxda Warbaahinta Madaxa Banaan ee Muqdisho, iyadoo lagala hadli doono arrimo muhiim ah oo ku saabsan howlaha Baarlamaanka ee dhanka Warbaahinta.

Inta badan Madaxda Idaacadaha iyo Agaasimayaasha Telefishinada ayaa shalay lagu wargeliyay inay isugu yimaadaan xafiiska Guddoonka Golaha Shacabka, si loogala hadlo arrimo quseeya howlaha Baarlamaanka.

Warar soo baxayay ayaa sheegaya in kulamo ay yeesheen Xafiisyada sare ee dowladda looga hadlay qorshe la soo jeediyay oo ah in warbaahinta oo dhan laga mamnuuco kulamada Baarlamaanka, Lama oga in Guddoomiyaha uu go’aankaas la wadaagi doono iyo in kale.

Qorshaha la doonayo in gebi ahaanba Warbaahinta looga mamnuuco kulamada Baarlamaanka ayaa waxaa waday Xafiiska Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxaana kulamo xiriir ah lahaa Mas’uuliyiinta Warbaahinta u qaabilsan Xafiisyadaas oo qaarkood warbaahinta madaxa banaan ku tilmaamay kuwo buun buuninaya warar lidi ku ah dowladnimada.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ay dood ka keeneen qorshaha la doonayo in warbaahinta laga mamnuuco fadhiyada Baarlamaanka, waxaana taas ay keentay inay Guddoonka kala hadlaan, isla markaana isku afgarteen in nidaam iyo shuruuc cusub lagu soo rogo warbaahinta oo ku saabsan habsami u socodka howlaha Baarlamaanka, iyadoo warbaahin walba la siin doono kaararka aqoonsiga iyo calaamad lagu aqoonsanayo, si warbaahintii loo arko inay wax ka baxsan howlaha Baarlamaanka wado loo aqoonsado.

Kulankii Baarlamaanka ee Sabtidii la soo dhaafay buuqa iyo fowdada ku dhamaaday ayaa ka dhashay in saxaafadda banaanka loo saaro, waxaana qaar ka mid ah Xildhibaanada ay diideen in saxaafadda dibadda loo saaro, ayaa waxaa ay keentay in dib looga fikiro kulamada Baarlamaanka ee ay saameynta ku leedahay Warbaahinta iyo fursadaha ay xildhibaanada mucaaradka ka helaan warbaahinta inta uu socdo kulamada Baarlamaanka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: