Guddoomiyaha Barlamaanka oo magacaabay Guddi soo diyaara saameynta Covid19 ku yeeshay dalka

Guddoomiyaha Barlamaanka oo magacaabay Guddi soo diyaara saameynta Covid19 ku yeeshay dalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa magacaabay Guddi KMG ah oo soo diyaariya saameynta cudurka Covid19 ku yeeshay dalka, iyadoo magacaabida Guddigan ku soo aaday xilli xasaasi ah oo dalka u socdo doorasho.

Guddigan oo ka kooban 9 xubnood ayaa loo xil saaray inay xog uruurin ka soo sameeyaan saameynta cudurkaas, isla markaana natiijada ka soo baxda xog uruurintaas ay keenaan Golaha Shacabka.

Soomaaliya ayaa ka mid aheyd dalalka uu saameeyay cudurka Coronavirus oo ay jireen kiisas fara badan la helay oo gaarayay kumanaan ruux, waxaana u dhintay dad boqol ku dhow.

Halkan hoose ka akhriso:-

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com