Guddoomiyaha baarlamaanka oo dalbaday in loo soo gudbiyo askarta shisheeye ee dalka jooga

Guddoomiyaha baarlamaanka oo dalbaday in loo soo gudbiyo askarta shisheeye ee dalka jooga

Guddoomiyaha baarlamaanka ee Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ka hadlayay kulan ay yeesheen baarlamaanka ayaa ka dalbaday xukuumadda inay usoo gudbiso tirada askarta shisheeye ee dalka ku sugan.

Jawaari ayaa sheegay dalka inay joogaan ciidamo kale duwan oo ka socda dowlado badan, sidaasi darteedna ay baarlamaanka Soomaaliya ay xaq u leeyihiin inay helaan tirada rasmiga ee dalka jooga iyo in baarlamaanka loo soo gudbiyo ciidamo walba oo dalka la keenayo.

“Waa in aan nala socodsiiyo oo aan ogaano Ciidamada shisheeye nidaamka iyo shuruudaha ay ku joogaan, waa arrin meel gaar naga taabaneysa, Baarlamaanada kale hal askari marka banaanka laga keenayo xataa waa loo geeyaa, iyagoo aan ansixin dalkooda looma geeyo”ayuu yiri Jawaari

Hadalka guddoomiyaha baarlamaanka ayaa imaanaya iyadoo magaalada Muqdisho iyo gobolada kale duwan ee dalka ay joogaan ciidamo ka socda dalalka Mareykanka, Ingiriiska, Imaaraatka Carabta, Talyaaniga iyo Turkiga kuwaasi oo caawiya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo AMISOM.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0