Guddoomiyaha Aqalka sare oo la kulmay RW hore Xasan Cali khayre

HomeWararka

Guddoomiyaha Aqalka sare oo la kulmay RW hore Xasan Cali khayre

Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta ku booqday hoyga uu ka degen yahay Muqdisho Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan

Ciidanka Yuhuudda oo 50 Ruux Ku Dhaawacay Masjidka Aqsa (daawo xansuuqa)
MADAXWEYNE DENI OO SI RASMI AH USHAACIYEY IN UU YAHAY MUSHARAX MADAXWENE SOOMAALIYA
Sirdoonka Qaranka oo war ka soo saartay howlgal lagu soo qabtay nin u shaqeeya Shirkad Ganacsi

Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta ku booqday hoyga uu ka degen yahay Muqdisho Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Ilo ku dhow dhow ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in kulankan uu ahaa mid is wareysi xaaladaha siyaasada dalka Soomaaliya loogaga hadlay.

“Sharaf ayey ii ahayd la kulanka guddoomiyaha Aqalka Sare mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo maanta isoo booqday. Waxaan uga mahadceliyay kaalintii uu ka qaatay hannaanka loogu gudbayo muddo xileed cusub ee dowladda Soomaaliyeed”ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo dhowaan ku dhowaaqay inuu yahay musharax xilka Madaxweynaha dalka Soomaaliya ayaa wada dadaalo uu ku doonayo inuu ku helo taageere siyaasadeed waxana uu dhowaan la kulmay guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Cismaan Jawaari.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: