Guddoomiyaha Aqalka sare oo ka hadlay xaaladda Muqdisho

Guddoomiyaha Aqalka sare oo ka hadlay xaaladda Muqdisho

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi ayaa ku baaqayaa in la ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida dalka, lana joojiyo dagaallada iyo wax walba oo keeni kara gacan ka hadal, isla markaasna loo turo dadka Soomaaliyeed, khilaaf walbana lagu xalliyo wada hadal iyo tanaasul.

“Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi wuxuu ku baaqayaa in la wada ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida Dalka, lana joojiyo dagaallada iyo wax walba oo keeni kara gacan ka hadal, isla markaasna loo turo dadka Soomaaliyeed, khilaaf walbana lagu xalliyo wada hadal iyo tanaasul” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Aqalka Sare.

Waxaa uu intaasi kusii daray “Guddoomiyuhu waxaa kale oo uu boorrinayay ilaalinta midnimada guud ee Dalka iyo ku dhaqanka Dastuurka iyo shuruucda kale ee Dalka u yaal”

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com