Guddiga illaalinta deegaanka iyo duurjoogta ee gobolka Haylaan oo gubay cows 3 gaari ka kooban.

Guddiga illaalinta deegaanka iyo duurjoogta ee gobolka Haylaan oo gubay cows 3 gaari ka kooban.

Guddiga illaalinta deegaanka iyo duurjoogta iyo la dagaallanka xaalufka ee gobolka Haylaan oo kaashanaya maamulka iyo dadka shacabka ah, ayaa dabqabadsiiyey cows laga soo jaray meelo ka mid ah gobolka.

Cowskaan oo ka koobnaa saddex gaari oo ah kuwa loo yaqaanno waaraadka, ayaa guddiga illaalinta deegaanku ay qabateen, iyadoo kadibna galabta meel fagaare ah lagu cowskaasi si aan loogu dhiirran jarista dhirka iyo xaalufinta deegaanka.

Guddiga illaalinta deegaanka iyo la dagaallanka xaalufka ee gobolka Haylaan, ayaa warbaahinta Daljir u sheegay in gaadiidka cowskaasi saarnaa lagu soo qabtay hawgal guddi, kadibna la go’aansaday in la gubo cowskaasi markii laga rogay baabuurtii uu saarnaa.

Dadka deggan gobolka Haylaan ayaa horay u degsaday shuruuc lagu dhawrayo deegaanka iyo duurjoogta, islama markaasna looga hortagayo xaaluf soo wajaha deegaanka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com