Guddiga doorashooyinka Puntland oo shaaciyeey tirada ururada is diwaangaliyey

HomeWararka

Guddiga doorashooyinka Puntland oo shaaciyeey tirada ururada is diwaangaliyey

Guddiga doorashooyinka KMG ah ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta waxaa ay ku dhawaaqeen Tirada Ururada siyaasadeed oo ay diiwaangeliyen saddexd

Beesha Caalamka oo walaac ka muujisay doorashada Soomaaliya 2020/2021 (Akhriso)
Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa booqdey Guriga Hooyooyinka Caabudwaaq (Daawo)
Jubbaland oo soo dhoweeyay shirka Dhuusamareeb

Guddiga doorashooyinka KMG ah ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta waxaa ay ku dhawaaqeen Tirada Ururada siyaasadeed oo ay diiwaangeliyen saddexdii Bilood oo ay ku guda jireen Diiwaangleinta Ururada.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Guuleed Saalax Maxamed oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa sheegay in ilaa iyo hadda ay diiwangeliyeen 17 Ururo Siyaasadeed,kuwaas oo uu sheegay inay buuxiyeen shuruudihii looga baahnaa.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay jiraan Afar Urur Siyaasadeed oo ana weli soo buuxin shruudaha,hayeeshee dhawaan markii ay soo dhameystiraan ay soo bandhigi doonaan,iyaga oo ku biiraya 17 Urur ee Guddigooda sida hordhaca ah uu u diiwaangeliyey.

Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa lagu soo bandhigay Magacayada 17-ka urur oo ay diiwaangeliyeen,iyaga oo sidoo kale sheegay in ururrada siyaasadda laga doonayo in ay soo dhammaystiraan shuuudaha ugu dambeyn 22-ka bisha Apriil ee sannadkan 2020.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: