Guddiga doorashooyinka Puntland oo la wareegay ciidankii sugi lahaa Ammaanka doorashada

Guddiga doorashooyinka Puntland oo la wareegay ciidankii sugi lahaa Ammaanka doorashada

Guddiga KMG doorashooyinka Puntland ayaa maanta taliyaha booliska puntland Cabdi Xasan xuseen kala wareegay ciidamada amniga doorashada.

Ciidankaan ayaa ah kuwo bilihii lasoo dhaafay si gaar ah loogu tababarayay sugida Amniga doorashada Saddex degmo ka mid ah Puntland.

Ciidankan oo loo carbiyay loona wacyigaliyay ilaalinta Anshaxa, habsami usocodka iyo amniga doorashada ayaa tagi doona 25-ka seejo ee degmada qardho 25-ka Actobar Doorashadu ka dhacayso.

Doorashada golaha deegaanka maamulka Puntland ee Saddex degmo oo kala ah Ufeyn, Eyl iyo Qardho ayaa dhici doontaa 25-bishaan, waana tii ugu horreysay oo maamulka Puntland qabto.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com