Guddiga doorashooyinka oo 48 Saac u qabtay Jubbaland, Hir-Shabeelle & Puntland

HomeWararka

Guddiga doorashooyinka oo 48 Saac u qabtay Jubbaland, Hir-Shabeelle & Puntland

Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa ugu baaqay Guddiyada Doorashooyinka Dowlad Goboleedyada Hirshabeele ,Jubbaland iyo Puntland iney si deg deg

Warka Fiidnimo iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim, Daljir Bosaaso (dhegayso/daawo)
XULASHADA DALJIR | DEEQO LADAN BASHIIR | BOSAASO 8- NOVEMBER- 2022
Wasaarada waxbarashada DFS oo sheegtay in ay la soo wareegayso Iskuulada ku yaala maamul goboleedyada dalka

Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa ugu baaqay Guddiyada Doorashooyinka Dowlad Goboleedyada Hirshabeele ,Jubbaland iyo Puntland iney si deg deg ah doorashada ku bilaabaan ama u soo gudbiyaan Caqabadaha ka heysta.

Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa lagu cadeeyay inay soo dhamaatay doorashadii Xildhibaannada Aqalka Sare ayna bilaabatay doorashada Golaha Shacabka, isla markaana ilaa hadda la doortay 24 kursi, iyadoo laba ka mid ah natijadooda guddigu laalay, halka kursi kalana dacwadiisu la taallo guddiga xalinta khilaafaadka.

Guddiga Maamulaya doorashada Gobolada Waqooyi ee Soomaaliland ayay ku bogaadiyeen doorashooyinka ay qabteen, isla marlaana si dhow ugala Shaqeeynaya kalsoonida iyo hifnaanta doorashada Golaha Shacabka.

” Waxaan sidoo kale bogaadineynaa Dawlad Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo
doorashada bilaabay, ayada oo ay muhiim tahay in ay dardar geliyaan, lana saxo wixi cabasho
ah ee soo baxay bilowga doorashada ayaa lagu yiri” Qoraalka Guddiga.

Dhanka kale Guddiga ayaa ku booriyay Dawlad Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo
Hirshabeele inay sida ugu dhaqsaha badan u bilaabaan doorashada golaha shacabka, waxaana la farey Guddiyada Maamulka Doorashada ee sadexdaan Dawlad Goboleed in ay muddo 48
saac ah kusoo gudbiyaan warbixin ku saabsan bilaabashada doorashada ama bulshada
Soomaaliyeed u cadeeyaan caqabadaha hor taagan.

Ugu dambeyn Guddiga ayaa sheegay in, ayada oo horey u shaaciyeen jadwalka doorashada golaha shacabka oo ku asteysanaa 24- Disember 2021, ay caddeynayaan inay mar walba ku dedaaleen sidii jadwalkaas loo hirgalin lahaa ayna guddiyada heerarkooda kala duwan dhameystireen diyaar garawga qabashada doorashada, balse dib u dhaca ku yimaada jadwalka doorashada ay mas’uuliyaddiisa qaadayaan mas’uuliyiinta Golaha Wadatashiga Qaranka oo siyaasiyan dhankooda uga xanibantahay hawshu.

Akhriso.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: