Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo soo saaray Jadwalka Cusub ee doorashada Aqalka Hoose

HomeWararka

Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo soo saaray Jadwalka Cusub ee doorashada Aqalka Hoose

Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ayaa waxaa ay markale soo saareen jadwal Cusub oo la xiriira dhanka doorashooyinka Xubnaha ka haray Xildhibaannad

Xulashada Daljir & Axmed Maxamed Nadiif, Daljir Buuhoodle (dhegayso)
Madaxwayne Maxamed Farmaajo oo la kulmaya bulshada magaalada Gaalkacyo
Wacaal Darey ah: Mareykanka oo duqeyn ku dilay Qassem Soleimani

Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ayaa waxaa ay markale soo saareen jadwal Cusub oo la xiriira dhanka doorashooyinka Xubnaha ka haray Xildhibaannada Aqalka Sare iyo doorashada Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka.

Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa waxaa lagu iclaamiyay in doorashada golaha Aqalka Sare la qorsheeyey in lasoo gabagabeeyo 18-ka bishaan September.

Sidoo kale 25-ka bishaan in la guda gelayo diyaarinta iyo diiwaan gelinta guddiga soo xulaya ergooyinka iyo musharaxiinta xildhibaanada golaha shacabka.

1-da bisha October ayaa Guddigu sheegay inay bilaabaneyso doorashada xildhibaanada golaha shacabka, iyadoo lasoo gabagabeyn doono 20-ka bisha November.

Ugu dambeyntiina 25-ka November waxaa bilaabanaya shahaado bixinta xubinimada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ayaa dhowr jeer waxaa ay soo saareen jadwal doorasho, kaas oo aan dhaqan gelin, waxaana weli jira caqabadihii dib u dhigay doorashooyinka dalka, kuwaas oo xal ka gaaristiisa ay ku howlan tahay Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: