Wacaal Darey ah: Mareykanka oo duqeyn ku dilay Qassem Soleimani

HomeWararka

Wacaal Darey ah: Mareykanka oo duqeyn ku dilay Qassem Soleimani

Mareykanka ayaa sheegay in duqeyn dhanka cirka ah uu ku dilay Jeneraal Qasem Soleimani, oo ahaa taliyhii Ciidanka gacaanka ee dalka Iraq. Duqeynta

Mid ka mida jeneraalada ugu sarreeya ruushka oo Ukraine lagu dilay
Warka Duhurnimo ee Daljir iyo Xuseen Cabdi Jimcaale Madar (dhegayso)
WARKA FIIDNIMO | CABDIXAKIIN XUSEEN XASAN | DALJIR GAROWE

Mareykanka ayaa sheegay in duqeyn dhanka cirka ah uu ku dilay Jeneraal Qasem Soleimani, oo ahaa taliyhii Ciidanka gacaanka ee dalka Iraq.

Duqeynta ayaa ka dhacday meel aan sidaa uga fogeyn garoonka diyaaradaha ee magaalada Baghdad.

Howl galka lagu dilay Jeneraalka ayaa la sheegayaa in uu amray madaxweyne Donald Trump.

Jeneraal Soleimani ayaa xubin muhiim ka ahaa Ciidanka gacaanka dalka Iran, waxaana la sheegayaa in Ciidamada uu hogaaminayey ay si toos ah uga amar qaaadan jireen hogaamiyaha ruuxiga ah ee dalk Iran Ayatollah Ali Khamenei.

Sidoo kale duqeynta ayaa la sheegayaa in lagu dilay hogaamiyihii maleeshiyo reer Iraq ah, kaasi oo lagu magacaabo Abu Mahdi al-Muhandis .

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.com.

 

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: