Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo sheegay in aan la joojineyn doorashada

Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo sheegay in aan la joojineyn doorashada

Guddoomiyaha Guddiga hirgelinta Doorashooyinka heer Federaal (FEIT) Maxamed Xasan Cirro ayaa ku tilmaamay arrin aan suurtagal ahayn hakinta Doorashada Golaha Shacabka si loo saxo qaladaad cabasho laga keenay doorashada.

Maxamed Xasan Cirro Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka FEIT oo wareysi siiyay Universal Tv ayaa ku taliyay in la isku dhex wadi karo sixida cabashooyinka iyo qabashada doorashada iyadoo mudada doorashada la ilaalinayo.

“Waxa hadda socda waa Doorasho nooceedu dadban yahay oo ay ku heshiiyeen madasha Wadatashiga qaranka, suuragal ma aha in la hakiyo Doorashada balse iyada oo la wado in la saxo waxa jira waa waajib, marweliba waa in la saxo waxa aan heysano oo la fiiriyo waxa laga cabanayo” ayuu yiri Maxamed Xasan Cirro.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com