Guddiga Dhameystirka Hab-raacyada Doorashooyinka oo Todobaad loo qabtay

HomeWararka

Guddiga Dhameystirka Hab-raacyada Doorashooyinka oo Todobaad loo qabtay

Ka dib kulan warbixin looga dhageystay guddiga wadajirka ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee loo xil saaray dhameystirka hab-raacyada Door

Kenya & Qatar oo Dooxa heshiis ku saxiixday xilli la sugayo go’aanka maxkamadda ICJ ee dacwadda Badda
Xaalada dadkii ku barakacay dagaalkii Dhumay oo laga soo dayrinayo (dhegayso .
Dr Maxamed Shiine Taariikhda hadaa eegto kacdoonnada bulshada marna ma dhici karto in wixii jirey

Ka dib kulan warbixin looga dhageystay guddiga wadajirka ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee loo xil saaray dhameystirka hab-raacyada Doorashooyinka Qaranka, ayay ku sheegeen in shaqadii loo igmaday inta ugu badan ay u qabsoontay inta kalena gacanta ku hayaan dhowaana dhankooda ka soo wareeji doonto.

Guddoomiyaha guddigaas, Xildhibaan, Ibraahim Isaaq Yaraw, oo warbaahinta dowladda la hadlay ayaa sheegay in qabyo qoraalkii u dambeeyay hadda ay gacanta ku hayaan isla markaana dhowaan guddoonka ku soo wareejin doonaan hab-raacyo dhameystira sharciga doorashooyinka qaranka.

Mudane, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa guddigan ku amaanay shaqadii ay soo qabteen, isagoo intaas ku daray in dalka uu doorashooyin galayo isla markaana guddiga looga fadhiyo in ay shaqadooda ku idleeyaan muddo todobaad ku siman.

Guddoomiyaha golaha Aqalka sare, mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi, ayaa dhankiisa amaanay guddigan shaqadii ay soo qabteen.

Guddigan Wadajirka ayaa guddoonka baarlamaanka waxaa ay u xil saareen in ay soo dhiraandhiriyaan hab-raacyo affar ah oo uu tilmaamayo sharciga doorashooyinka Qaranka sida; Koontada haweenka ee baarlamaanka, sida deegaanada loo qeybinayo kuraasta xubnaha baarlamaanka, waxa laga yeelayo magaalada Muqdisho iyo sida loo dooran doono xubnaha baarlamaanka ee ka soo jeeda gobolada Waqooyi ama Soomaaliland.

Sida uu qorshuhu yahay 27 bishan Maajo, waxaa baarlamanka hor imaan doono guddigga doorashooyinka Qaran si ay u soo bandhigaan nooca doorasho ee dalka galayo iyo qaabka loo qaban doono.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: