Golaha Wasiirada Jubbaland oo loo gudbiyay Laba Hindise Sharciyeed oo ay soo diyaariyeen Komishinka Shaqada iyo shaqaalaha.

HomeWararka

Golaha Wasiirada Jubbaland oo loo gudbiyay Laba Hindise Sharciyeed oo ay soo diyaariyeen Komishinka Shaqada iyo shaqaalaha.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka caadiga ah ee golaha Wasiirada.

Wasiir Qarjab: “ Shacabka Puntland Doorashadda Ha u Diyaar Garoobaan,Mana Yeelayno Faragalin (Daawo)
Caawa & Daljir iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Dhuusamareeb (dhegayso)
Madaxweynaha DFS oo maanta furaya Kalfadhiga Barlamaanka Somaaliya

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka caadiga ah ee golaha Wasiirada.

Golaha waxaa maanta loo qabiyay Laba Hindise Sharciyeed oo kala ah Hindise Sharciyeedka Xeerka Shaqaalaha Ra’yidka ah iyo Hindise sharciyeedka dhismaha gudiyada Shaqaalaha Ra’yidka ah kaas oo uu soo diyaariyay Komishinka Shaqada iyo Shaqaalaha Jubbaland.

Labadan Hindise Sharciyeed waxaa kale oo weheliya Xeer hoosadyada uu ku shaqaynayo Komishinka kuwaas oo golahu ay soo akhrin doonan kadibna loo gudbin doono Golaha Shacabka Jubbaland.

Sidoo kale golahu wuxuu warbixin la xiriirta shaqada Wasaaradaha ee Sanadkii tagay ka dhagaystay qaar kamid ah Wasaaradaha Dowlada iyadoo inta dhimana lagu booriyay in fadhiyada kale ee golaha ay keenan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: