Golaha wasiirada DFS oo ogolaaday in dib lo furo dulimaadyadi gudaha

HomeWararka

Golaha wasiirada DFS oo ogolaaday in dib lo furo dulimaadyadi gudaha

Shir golaha wasiirradu maanta ay yeesheen oo uu guddoomiyay Ku-simaha Ra'iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeen, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed

Munaasabad lagu Furayeey Dugsiga Horyaal oo Cabudwaaq kadhacday (dhegayso)
XULASHADA DALJIR | FAADUMO DEGGAN DAAHIR | BOSAASO 5-JUNE-2022
Madaxweynaha Puntland oo Abaalmarin Gudoonsiiyey Ciidamo Katirsan Booliska Gobalka Bari

Shir golaha wasiirradu maanta ay yeesheen oo uu guddoomiyay Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeen, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa lagu ogolaaday in dib loo furo duullimaadya gudaha si loo fududeeyo isu socodka Bulshada iyada oo lagu dhaqmayo talooyinka xakameynta faafitaanka COVID-19.

Golaha ayaa dood dheer oo ay yeesheen kadib waxay cod aqlabiyad leh ku ogolaadeen in si taxadar leh dib loogu bilaabo duullimaadka gudaha maalinta Axadda ah ee taariikhdu tahay July 05, 202o, iyada oo maalintiiba ay dowlad gobaleedyada dalka tageyso hal diyaarad.

Shirka golaha ayaa, dhanka kale, lagu meel mariyay Heshiiska Gaadiidka Badda ee Soomaaliya iyo Qatar iyo Hindise-sharciyeedka Summadaha Ganacsiga.

Golaha waxuu sidoo kale ansixiyay Is-afgarad ganacsi oo u Dhexeeya Soomaaliya iyo Suudaan, Is-Afgarad Ku Saabsan Samaynta Guddi Sare oo Isku Dhaf ah oo u Dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar, Is-Afgarad Ku Saabsan Machadka Diblomaasiyadda oo u Dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar iyo Is-Afgarad La Xiriira Wada-tashiga Siyaasadeed ee Qadiyadaha ay Wada Danaynayaan Labada Wadan ee Soomaaliya iyo Qatar.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: