Golaha Wakiillada Puntland oo Ansixiyay Wax-ka-bedelka Dastuurka Puntland

HomeWararka

Golaha Wakiillada Puntland oo Ansixiyay Wax-ka-bedelka Dastuurka Puntland

Xildhibaannada Golaha wakiilada Dowlad Puntland oo Maanta kulan ay ku yeesheen magaalada garoowe ee Caasimadda Puntland wax ka bedel ku sameeyeen dast

WAX KA OGOW SIDA AY BULSHADA UGU QAREEMAAN GABDHAHA QAREENADA AH EE PUNTLAND
Dowlada Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa maanta ka shiray qorshaha horumarinta Ciidanka Booliska (dhegayso)
Afhayeenka Wasaaradda amniga oo u hanjabay Warbaahinta

Xildhibaannada Golaha wakiilada Dowlad Puntland oo Maanta kulan ay ku yeesheen magaalada garoowe ee Caasimadda Puntland wax ka bedel ku sameeyeen dastuurka Puntland, kaas oo bilihii la soo dhaafay uu muran ka taagnaa. iyadoona ay kulanka goobjoog ka ahaa 60 mudane

Xildhibaanada Golaha Wakiillada ayaa Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Ansixinta Wax-ka-bedelka Dastuurka Puntland, waxaa Oggol ugu codeeyay 54 mudane, Diidmo 6, cid ka aamustayna ma jirin.

Guddoonka Baarlamaanka Puntland ayaa ku dhawaaqay in uu ansax yahay waxka bedelka lagu sameeyay dastuurka Puntland, qodobada lagu daray Dastuurka Puntland ayaa waxaa kamid ah in Xisbiyada Puntland ay noqonayaan 9 Urur siyaasadeed oo ah kuwii galay doorashadii Golaha deegaanka.

sidoo kale baarlamaanka ayaa meel mariyay in madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ay soo doortaan shacabka, waxaana meesha laga saaray qodob dastuuri ah oo sheegayay in madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ay soo doortaan baarlamaanka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0