Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa maanta la hor geeyey Miisaaniyadda Dowladda ee Sanadka 2023.

HomeWararka

Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa maanta la hor geeyey Miisaaniyadda Dowladda ee Sanadka 2023.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil ayaa shir guddoomiyay kulanka Golaha oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenda Golaha.

KALABAYR & BARAKACAYAASHA LAASCAANOOD ”Maatadii waa la xasuuqay Hoobiyayaal baa nalala dhacay ”
Wajigii 2aad ee Layrarka Cadceedda oo Laga Hirgaliyey Caabudwaaq (dhegayso)
Caawa & Daljir iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim (MCI), Daljir Bossaso (dhegayso)

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil ayaa shir guddoomiyay kulanka Golaha oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenda Golaha.

Kulan-kan ay Wasaaraddu ku hor geysay Miisaaniyadda Golaha Wakiillada waxaa ka qeyb-galay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiir kuxigeenka, Wasiiru-dowlaha. Agaasimaha Guud, Xisaabiyaha Guud ee Dowladda iyo Agaasimaha waaxda Miisaaniyadda.

Miisaaniyadda sanadkan ee la horgeeyey Golaha ayaa ah wadarta guud $ 376,699,825 (sadex bogol todobaatan iyo lix Malyan Lix Boqol Sagaashaan iyo Sagaal kun Sideed Boqol Labaatan iyo Shan doolar) taas oo ka badan Miisaaniyaddii sanadka 2022 korar dhan 6%.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa Golaha ka hor jeediyey khudbad faahfaahsan oo ku aadan Miisaaniyadda, wuxuuna Golaha Baarlamaanka ka codsaday in ay ansixiyaan.

Dhinaca kale, Wasiirka Dhabancad ayaa Golaha Wakiillada ka codsaday in la ansixiyo kororka Miisaaniyadda ee sanadka 2023 ee ah dhaqaalaha laga filayo Mashruuca Biyoole kaas oo dhan $1,922,040.

Ugu damabayn Mudanayaasha Golaha Ayaa cod Aqlabiyad leh ku ansixiyey Miisaaniyadda Sanadka 2023, mudanaayasha fadhiga fadhiyey oo ahaa 42 Xildhibaan, ayaa cod gacan-taag ah Oggol ugu codeeyeen 41 mudane, Diidmo 1, Aamus ma jirin, sidaas ayeyna ansax ku noqotay soo gudbintii Wasaaradda Maaliyadda ee Muusaaniyadda Dowladda.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: