Golaha Shacabka oo ansixiyay Golaha Wasiirada Cusub

HomeWararka

Golaha Shacabka oo ansixiyay Golaha Wasiirada Cusub

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta kulan aan caadi aheyn ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa, iyaga oo ku ansixiyay G

Caawa & Daljir iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso)
Dowladda Soomaaliya oo fasaxday Shaqaalaheeda
Ra’iisul Wasaare Rooble oo Guddiyada doorashooyinka ku amray ilaalinta hufnaanta doorashada

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta kulan aan caadi aheyn ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa, iyaga oo ku ansixiyay Golaha Wasiirada cusub ee Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Kulanka oo guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa waxaa goobjoog ka ahaa 277 xildhibaan, balse ka hor ansixinta ayaa waxaa buuq sameeyay qaar kamid ah Xildhibaannada oo dalbanayay in codeynta Xukuumadda laga dhigo qarsoodi balse Guddoomiye Aadan Madoobe uu diiday.

Buuq badan kadib Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa amray in la bilaabo codeynta, waxaana ogol ugu codeeyay 229 mudane 7 ayaa diiday halka 1 uu ka aamusay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in sidaasi lagu ansixiyay Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, iyada oo Isla goobta lagu dhaariyay Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: