Faahfaahin Qarax Khasaaro geystay oo ka dhacay magaalada Jowhar

Faahfaahin dheerad ah ayaa ka soo baxeyso Qarax ka dhacay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hir-Shabeelle, kaas oo siweyn looga maqlay inta badan Xaafadaha Magaalada Jowhar.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid lagu xiray Gaari NOAHA ah oo yaallay halka loo yaqaano todobada Geed oo kasoo horjeeda Hotelka Nuur Doob ee dhawaan qaraxa lagu weeraray, waxaana qaraxa uu dhacay xilli Ciidamada Booliska ay gaariga baarayeen.

Sida u uku soo waramayo wariyaha SMS tv ee magaalada Jowhar Shariif Xaashi Waxaa jira khasaaro kala duwan oo ka dhashay qaraxa, waxaana Ciidamada Ammaanka ay xireen dhammaan waddooyinka soo gala goobta uu qaraxa ka dhacay.

Weli sirasmi ah looma shaacin khasaaraha ka dhashay qaraxa, waxana goobta ku sugan oo howlo baaritaano ah ka wada Ciidamada Amniga, kuwaas oo dadka u diidaya inay goobta u dbawaadaan.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com