Golaha Qurbajoogta Puntland oo Hambalyo u diray Ciidanka SSC-Khaatumo

HomeWararka

Golaha Qurbajoogta Puntland oo Hambalyo u diray Ciidanka SSC-Khaatumo

Waxaa Gollaha Qurba-joogta Puntland – Puntland Diaspora Forum (PDF) iyagoo ku hadlaya magaca Qurba-joogta Puntland ay hambalyo iyo taageero u dirayaa

Madaxwayne Farmaajo oo markii labaad booqanaya wadanka Masar
Taliyaha Ciidanka Xogga oo la kulmay Saraakil Taliyaani ah (Sawiro)
Madaxweynaha Galmudug oo Cadaado Gaaray & Soo dhaweyn loo sameyaay (Sawiro)

Waxaa Gollaha Qurba-joogta Puntland – Puntland Diaspora Forum (PDF) iyagoo ku hadlaya
magaca Qurba-joogta Puntland ay hambalyo iyo taageero u dirayaan Garaadadda iyo
Ugaasyadda SSC, Maamulka SSC-Khaatumo, Ciidamadda Jamaahiirta, Ciidamadda Hiil-Walaal
iyo shacabka reer SSC guud ahaan guulihii ay ka gaareen dib uga xoraynta dhulkoodii iyo
dharbaaxadii lama ilaawaanka ahaa ee ay ku dhufteen taliska macangagee Muuse Biixi.

Guulaha ay Ciidanka iyo Jamaahiirta reer SSC iyo ciidanka Hiil-Walaal gaadheen waxay jabisay
gidaarkii ku gudbanaa midnimadda ummadda Somaaliyeed, soona afjartay dulmigii,
duqaymihii iyo xasuuqii uu maamulka Muuse Biixi ku hayay masaajidda, cusbitaalada,
dugsiyada iyo goobaha rayidku deganaayeen.

Waxa aayaadka Ilaahay ka mid ah inuusan guulaysan gabood faluhu, sidoo kalena uu Alle
deg-deg u aqbalo ducada iyo dacwada dulmanaha. Sidaa awgeed, waxaan Issimadda,
Maamulka, Jamaahiirta iyo Shacabka Soomaalinimada Jecel ee reer SSC ugu baaqaynaa inay
Alle oo qudha uga mahadiyaan guusha ay gaadheen, kuna midtidaan nabada iyo xasiloonida
ay maanta xaqiijiyee, kana dheeraadaan xadgudub iyo gabood fal.

Waxaan shacabka reer Somaliland ee xalaashaa ugu baaqaynaa inay iska tuuraan heeryada
Maamulka keligii taliska ah ee Muuse Biixi. Horuu deriskii idiin kala dilaye, intuusan nabada
iyo nicmada Alle ee aad haystaan idinka burburin iska qabta oo meel uga soo wada jeesta.
Waxaan ugu baaqaynaa beesha caalamka, hay’adaha gargaarka iyo kuwa maxaliga ahba inay
si deg-deg ah uga hawl-galaan deegaamada SSC, doorna ka qaataan dib’udejinta dadkii ka
barakacay deegaamada SSC iyo Caasimada Laascaanoodba.

PDF waxay maamulka Puntland iyo Jaaliyaddaha Qurba-joogta Puntland uga mahadinaynaa
taageeradii maadiga iyo macnawigaba lahayd ee ay hora uga gaysteen halganka dib u
xoraynta deegaamada SSC, waxaan idiinku baaqaynaa inaad howsha is raacsataan oo u
diyaar garoowdaan dib u dhiska Masaajidii, Cisbitaaladii iyo goobihii Shacabka iyo dib u
dejinta shacabkii uu taliska Muuse Biixi ka barakaciyay deegaamadoodii.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: