Golaha deegaanka cusub ee Galdogob oo maanta doortay guddoomiye iyo kuxigeen.

Golaha deegaanka cusub ee Galdogob oo maanta doortay guddoomiye iyo kuxigeen.

Xildhibaannada golaha deegaanka degmada Galdogob ee gobolka Mudug ayaa maanta doortay duqii Galdogob iyo kuxigeenkiisii, kadib markii maanta la qabtay is doorashadoodii maamul degmo.

Cabdiqafaar Sh Ibraahim ayaa loo doortay guddoomiyaha degmada Galdogob, halka kuxigeenna loo doortay Deeq Axmed Dinix.

Haddaba madaxda degmo ee maanta la doortay iyo maamulkooda maxaa horyaalla oo ku aaddan wax-u-qabashada degmada iyo deegaannada hoosyimaada, guddoomiyaha la doortayse taariikh noocee ahbuu ku dhex leeyahay bulshada.

Su’aalahaasi iyo kuwo kalaba waxaan waydiinay Cabdifataax Xasan Xuseen Walloore oo ka mid ah dadka aqoonta durugsan u leh guddoomiyaha la doortay, sida fiicanna ula socday hawshii dhisme ee golaha deegaanka ee Goldogob.

Cabdifataax Cumar Geeddi ayuu u warramay isagoo Nairobi jooga, wuxuuna mar hore waydiiyey sida uu u arko xubnaha cusub ee la doortay.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com