Golaha ammaanka oo shir deg-deg ah ka yeelanaya arrimaha Soomaaliya

HomeWararka

Golaha ammaanka oo shir deg-deg ah ka yeelanaya arrimaha Soomaaliya

Golaha Amaanka ee qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in maanta oo jimco ah kulan ay yeelanayaan ugaga hadlaan arrimihii ugu dambeeyay ee siyaasada dalk

Ciidamada NISA oo howlgal ka fuliyay deegaanka Mubaarak ee Shabeelada hoose
Farmaajo oo ka qayb galay Shirka Madasha Dhaqaalaha ee Ruushka iyo Afrika (Daawo)
Dalal ay Soomaaliya ku jirto oo la sheegay in afartii ilbidhiqsi ee kasta hal qof uu gaajo u dhimanayo

Golaha Amaanka ee qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in maanta oo jimco ah kulan ay yeelanayaan ugaga hadlaan arrimihii ugu dambeeyay ee siyaasada dalka Soomaaliya.

Ergayga gaarka ah xoghayah guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan soomaaliya James Swan ayaa lagu wadaa in warbixinadii ugu dambeeyay ee dadaalada qaramada Midoobay u gudbiyo shirka.

Golaha ammaanka ayaa xoogga saaraya sidii loo qaban lahaa Doorashooyinka Soomaaliya muddo gaaban si xasiloon oo ay wada-ogol yihiin Madaxda Federaalka & Dowlad Goboleedyada oo gacmahooda ku saxiixay 17-ka September 2020.

Fadhiga Golaha ammaanka oo ku qabsoomaya Muuqaalka Fogaan-aragga waxaa dhankooda la dhageysnayaa danjirayaasha wakiilka ka ah 5-ta dal ee joogtada ah iyo 10-kale ee ku yimaada Doorashooyinka si xog-uruurintooda gaba-gabada kulanka loogu soo daro Warsaxaafadeedka ku xusan natiijada kulankaas.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: