Ciidamada NISA oo howlgal ka fuliyay deegaanka Mubaarak ee Shabeelada hoose

HomeWararka

Ciidamada NISA oo howlgal ka fuliyay deegaanka Mubaarak ee Shabeelada hoose

Ciidamada NISA ayaa howlgal qorshaysan ka fuliayay deegaanka Mubaarak oo katirsan gobolka Shabeelada hoose oo lagu dilay xubin katirsan Al-shabaab.

Guddoomiyaha Barlamaanka Hiirshabeele oo la kulmay RW Rooble
Caawa & Daljir iyo cXakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)
Wasiirka Ganacsiga DFS oo shir uga qayb galay Turkiga

Ciidamada NISA ayaa howlgal qorshaysan ka fuliayay deegaanka Mubaarak oo katirsan gobolka Shabeelada hoose oo lagu dilay xubin katirsan Al-shabaab.

Barta Twitterka ee Nisa ayaa lagu yiri “Howlgal uu ciidanka amnigu ka fuliyay Deegaanka Mubaarak ee Gobalka Shabeellaha Hoose habeennimadii 11-ka Sebtembar, ayaa is rasaaseyn kadib waxaa lagu dilay xubin Al–Shabaab ah, kuwa kalana lagu dhaawacay, Kooxdaan ayaa ku howlanaa weeraro ay ka gaysataan magaalada Muqdisho”ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay barta Twitter-ka ee NISA.

 

Sidoo kalle Nisa ayaa sheegtay inay isaga soo baxeen deegaanka weerarka ay ka fuliyeen si khasaare aanay uso gaarin dadka rayidka ah.

“Ciidamada amniga ayaa dib uga soo baxay dagaalka si aysan shacab wax uga soo gaarin., Ciidamada Amniga waxaa ka go’an inay shacabka ilaaliyaan halka Alshabab ay had iyo jeer beegsadaan dadka rayidka ah kuna dhax dhuuntaan”

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: