HomeUncategorized

Golaha ammaanka oo Eretria ugu baaqay in baaritaano lagu sameeyo eedaymaha Kenya ay u soo jeedisay.

Washington, Nov, 19 ? Golaha ammaanka ee QM ayaa markii ugu horaysay bayaan ka soo saaray eedeyntii loo soo jeediyay Eretria, taasi oo ku aadan in xukuumaddaasi ay hub iyo saanad milatari ku deeqday kooxda Al-shabaab.

Baahin: Isniin, Nov 21, Maxamed C. Kooshin ~ Daljir ~ Galkacyo. Madaafiic lagu tuuray madaarka Galkacyo; Puntland oo Galmudug ku eedaysay fal-dambiyeedka; Galmudug oo iska fogaysay eedda, sheegtayse in ay xaq ku leeyihiin madaarka; M/weyne Shariif oo sheegay in dawladiisu ay kaalin ka qaadan doonto dib u noolaynta fanka & fannaanka; Guddiga dastuurka ee baarlamaanka federaalka oo sharci darro lagu tilmaamay Guddi uu R/wasaare Gaas u magacaabay hirgelinta barnaamijka tubta nabadda.
Dhagayso Barnaamijka Subaxnimo ee Saakay iyo Dunida May – 03 – 2016 Wariye Maxamed Cabdulaahi Kooshin
Muqdisho: War-murtiyeed ka soo baxay shirkii Madasha Hoggaanka Qaran ee Soomaaliya

Washington, Nov, 19 ? Golaha ammaanka ee QM ayaa markii ugu horaysay bayaan ka soo saaray eedeymihii ay isku soo jeedinayeen xukuumaddaha Kenya iyo Eretria, kaasi oo ku aadan in Eretria ay Al-shabaab ku deeqday hub iyo saanadd miletari.

Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr Banki Moon ayaa Eretria ugu baaqay inay ogolaato in arrinta la xiriirta xiriirka Eretria iyo Al-shabaab lagu sameeyo baaritaan, isla markaana Golaha Ammaanku ay ergo baarta arrintaasi u diraan dalalka Kenya iyo Eretria.

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Eretria ayaa durbadiiba ka jawaabay bayaanka ka soo yeeray QM, waxaana uu tilmaamay in baaritaankaasi ay duwladdiisu ay diyaar u tahay, waxaase uu wax-lala yaabo ku tilmaamay hadalada ka soo yeeraya xukuumadda Kenya, oo uu ku tilmaamay mid aan sal iyo raad lahayn.

Dhawaan ayay ahayd markii xukuumadda Kenya ay dalka Eretria si toos ah ugu eedeeysay inay 3 diyaaradood oo hub ah ka dajisay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, kuwaasoo siday hub iyo saanad milatari.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: