Golaha Amaanka Qaramada midoobey oo ku baaqay in la qabto doorasho

HomeWararka

Golaha Amaanka Qaramada midoobey oo ku baaqay in la qabto doorasho

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo shalay jimcihii shir gaar ah ka yeeshay Arrimaha Soomaaliya ayaa u kordhiyay waqtiga howlgalka Ciidamada AMISO

Madaxweynaha Soomaaliya oo Lagu Soo Dhoweeyey Imaaraadka Carabta
PUNTLAND OO SHEEGTAY INUU BAAQDAY KULAN DHEXMARI LAHAA BEESHA CAALAMKA & DOWLAD GOBALEEDYADA (Akhriso)
Ra’iisul Wasaare Khayre oo la kulmay Safiirka Dalka Faransa u qaabilsan Soomaaliya.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo shalay jimcihii shir gaar ah ka yeeshay Arrimaha Soomaaliya ayaa u kordhiyay waqtiga howlgalka Ciidamada AMISOM, iyagoo ugu baaqay hoggaamiyeyaasha Soomaalida inay qabtaan doorashooyin aan mar kale dib u dhicin.

Qoraal ka kooban 13 bog oo ay soo diyaarisay dowladda Britain ayaa waxaa ansiyay 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ka dalbaday dhinacyada Soomaaliya inay xal ka gaaraan khilaafka, sida ugu dhaqsiyaha badan loo qabto doorasho.

Todobaadkan ayaa la filayaa inuu Muqdisho ka bilowdo shir u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada oo lagu dhameystirayo heshiiskii doorashada 17 september.

Hase ahaatee waxaa jira caqabado ku horgudban shirkaas oo la doonayo in la xaliyo, gaar ahaan shuruudaha Puntland iyo Jubbaland soo jeediyeen.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: