General Xijaar oo isbaddel ku sameeyey Taliska Ciidamada Booliska Galmudug (Daawo)

General Xijaar oo isbaddel ku sameeyey Taliska Ciidamada Booliska Galmudug (Daawo)

Taliyaha Booliiska Soomaaliya Jan. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa isbedal ku sameeyay Taliska Guud ee Booliiska Galmudug iyo Talisyada Degmooyinka Galmudug .

Taliyaha Booliiska Galmudug ayaa loo magacaabey G/Sare CabdiKariin Xussen Macalin, Taliye xigeenka Booliiska Galmudug ayaa isna loo magacaabey G/Sare Maxamed Nuur Cali.

Taliyaasha degmooyinka ee la soo magacaabey ayaa waxaa ka mid ah Taliyaha Booliiska Dhuusamareeb oo loo magacaabey Dhamme Burhaan Axmad Rooble.

Isbadalka ayaa lagu saameeyey Qaybaha Guud ee Goboladda Mudug, Galgaduud iyo Degmooyinka Dhuusamareeb, Caabudwaaq, Hobyo, Matabaan, Xeraale iyo Balambale.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com