Gedo: Diyaarad rakaab siday oo ku dhacday degmada Ceelwaaq

HomeWararka

Gedo: Diyaarad rakaab siday oo ku dhacday degmada Ceelwaaq

Diyaarad siday rakaab oo ka timid dalka Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhacday Garoon ku yaalla degmada Ceelwaaq ee go

Samafale Tigey:“ Shalay Baladweyne ayay ahayd maanta Baargaal ayaa ina sugaysa”( daawo)
CABDULQADIR MAXAMED HAGAR ‘AAYATULLAH’ OO MARTI KU AH #MARTISOOR: Mahadhooyinka Somaliland ka geysatey Sool
Madaxweynaha DFS oo baaq deg deg ah ka soo saaray dagaalka galbeedka Kismaayo ka socda

Diyaarad siday rakaab oo ka timid dalka Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhacday Garoon ku yaalla degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ka dib markii ay cilad ku timid.

Diyaaradaan oo la sheegay in ay siday 45 qof oo ay kasoo qaaday Nairobi ayaa kusii jeeday degmada Elwak ee maamulka Mandera sida ay noo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo.

Dhammaan dadkii saarnaa ayaa badqaba, waxana wararka qaar ay sheegayaan in Garoonka ay kusoo dhacday uusan shaqeyn Sanadyadii lasoo dhaafay.

Maamulka gobolka Gedo wali faahfaahin kama bixin diyaaraddaan.

Diiwaanka Warararka
Radio Daljir.com.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: