HomeUncategorized

Garyaqaan Awaare, guddoomiyihii maxkamada gobolka Bari oo la dilay.

Wacaal Daray ah: Bossaso, Nov 11 - Waxaa daqiiqado ka hor toogasho lagu dilay garyaqaan Maxamed Cabdi Awaare, guddoomoyihii maxkamada gobolka Bari.

R/wasaare Farmaajo oo iclaamiyey magacyada xukuumada federaalka ah ee Somaliya oo ka kooban 18 wasiir.
DHEGEYSO-Barnaamijkii Saaka iyo Dunida iyo Xasan Haykal.
Marwo Caasha Geelle Diriye oo booqasho uga bilaabatay Boston, MA.

Wacaal Daray ah: Bossaso, Nov 11 – Waxaa daqiiqado ka hor toogasho lagu dilay garyaqaan Maxamed Cabdi Awaare, guddoomoyihii maxkamada gobolka Bari.

Qareen Awaare ayaa la sheegay in ay toogasho ku dileen dablay hubaysan oo aan la garanayn habtooda.

Dilka qareen Awaare ayaa lala xiriirinayaa dacwado uu ku qaaday dambiilayaal.

Ciidnaka bilayska magaalada Bossaso ayaa isku gadaamay goobta dilku ka dhacay, sheegayna in ay baaritaan ku wadaan cidii ka dambaysan fal-dambiyeedka.

Qareen Awaare ayaa ka mid ahaa qareenada fara-ku-tiriska ah ee dhinaca aqoonta ee qareenadii hore ee Somaliya.

Bossaso iyo Galkacyo oo ah labada magaalo ee ganacsi ee Puntland, uguna dad badan ayaa bilihii la soo dhaafay amnigoodu uu ka soo darayey, si joogta ahna ay uga dhacaan qaraxyo iyo dilal aad moodo in ay leeyihiin weji siyaasadeed.

Gobollada Puntland ayaa in dhawaale waxaa ku soo batay dilalka noocan oo kale ah ee lagu ugaarsanayo indheergaradka iyo aqoonyahanka, aanayna muuqan cid wax ka qabanaysa.

Dawlada Puntland ayaan wax war ah ka soo saarin dilka qareen Awaare.

C/fitaax Cumar Geeddi,
Idaacada Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: