Garowe oo lagu qabtay shir looga hadlayey xoojinta Amniga Gobolka Nugaal iyo soo dhaweynta Doorashooyinka Puntland.

Garowe oo lagu qabtay shir looga hadlayey xoojinta Amniga Gobolka Nugaal iyo soo dhaweynta Doorashooyinka Puntland.

Magaalada Garowe waxa lagu qabtay kulan ballaran oo ku saabasan shirka xoojinta Amniga Gobolka Nugaal iyo soo dhaweynta Doorashooyinka Puntland.

Ujeeddada shirka ayaa ahayd sidii loo xoojin lahaa aminga Puntland gaar ahaan Gobolka Nugaal inta lagu gudo jiro geedi-socodka doorashooyinka hal qof iyo hal cod ee 25 May 2023 loo madlanyahay in ay dhacdo guud ahaan Puntland.

Shirka ayaa waxaa ka soo qaybgalay Wasiiro, Guddiga Aminaga Gobolka Nugaal, Masuuliyiin xilal horay uga soo qabtay Dowlada Puntland, isimmo, ururada haweenka, Dhallinyarada, wax-garadka iyo guud ahaan Bulshada qaybaheeda kala duwan ee Gobolka Nugaal.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com