GAROWE: Golaha Wasiirada Puntland oo ka shiray  Amniga & Abaaraha

HomeWararka

GAROWE: Golaha Wasiirada Puntland oo ka shiray Amniga & Abaaraha

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Shir-guddoomiyay Shirka

Wasiirka Qorsheynta oo Garowe Ka furay shirka Wada-tashiga Qorshaha Horumarinta Qaranka (Sawiro)
Xulashada Daljir iyo Xasan Haykal (dhegayso)
Dowladda Soomaaliya oo guddi u magacaabay maqnaanshaha Ikraan Tahliil

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Shir-guddoomiyay Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada dowladda Puntland oo todobaadkan looga hadlay Amniga, xaaladda Gobollada Puntland, abaaraha iyo arrimaha bini’aadanimada.

Xubnaha Golaha wasiirada Puntland ayaa intooda badan waxaa ay warbixino la xiriira shaqooyinkooda u gudbiyeen Ku-simaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulkaas Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Mudane Karaasha ayaa dhankiisa waxaa uu Xubnaha Golaha wasiirada Puntland faray dardar gelinta howlaha loo igmaday, isla markaana looga baahan yahay inay bulshada si wanaagsan ugu adeegaan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: