GAROWE: Booliiska  oo gacanta ku dhigay Gaari siday khamri & rag watay

HomeWararka

GAROWE: Booliiska oo gacanta ku dhigay Gaari siday khamri & rag watay

Kadib howlgallo ay sameeyeen Ciidamada Booliska Puntland ee ka howlgalla Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa waxaa ay gacanta ku dhigeen Gaa

Xulashada Daljir Xaawo Axmed iyo Daljir Garoowe (dhegayso)
Abaaro kajira qaybo kamid ah Puntland (dhagayso)
Maamulka Jubbaland oo ku dhawaaqay dagaal culus oo ka dhan ah Alshabaab

Kadib howlgallo ay sameeyeen Ciidamada Booliska Puntland ee ka howlgalla Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa waxaa ay gacanta ku dhigeen Gaari Market ah oo siday khamri farabadan iyo dadkii watay.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa Saraakiil ka tirsan Booliska Puntland ay sheegeen in Gaariga lag qabtay laba Nin oo khamriga ka Ganacsanayay, kuwaas oo lagu xiray Saldhiga Booliska Magaalada Garoowe.

Sidoo kale saraakiishu ay sheegeen in ay sidoo kale ku raadjoogaan rag kale oo iyana ka Ganacsada maandooriyaha khamriga, isla markaana hadii la qabto sharciga la horgeyn doono.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii howlgal ay sameeyeen Ciidamada Booliska Puntland ay kusoo qabteen Rag ka Ganacsanayay maandooriyaha Khamriga iyo hoggaamiyahoodii.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: