Ganacsatada Muqdisho oo ka cabanaya canshuur kordhin

HomeWararka

Ganacsatada Muqdisho oo ka cabanaya canshuur kordhin

Qaar ka mid ah ganacsatada magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay ka cabanayaan canshuur ay sheegeen in lagu kordhiyay agabyada ay kala soo degaan deked

Shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo kadhacay duleedka Carmo (sawiro)
Saaka & Dunida iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Daljir Buuhoodle (dhegayso)
Maxaabiis Soomaali oo ka baxsatay xabsi ku yaala Tribuli

Qaar ka mid ah ganacsatada magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay ka cabanayaan canshuur ay sheegeen in lagu kordhiyay agabyada ay kala soo degaan dekedda magaalada Muqdisho.

Ganacsatada oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in lagu kordhiyay canshuur 25%, waxaana ay ku eedeeyeen wasaaradda maaliyadda inay xil iska saarin dhibaatada ay gaysan karto canshuur kordhinta oo laga welwelsanyahay inay horseeddo sicir barar saameeyn ku yeesha bulshada.

Mid ka mid ah ganacsatada oo arrinkan ka hadlaya ayaa sheegay in horay si guud loo canshuuri jiray konteenarka, balse shalay oo Isniin ahayd la bilaabay in si guud loo canshuuro, mar labaadna la canshuuro waxa gudaha ku jira mid mid.

Majirto wax war ah oo weli kasoo baxay wasaaradda maaliyadda dowladda faderaalka ee Soomaaliya oo kusaabsan cabashada ganacsatada Muqdisho.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: