Maxaabiis Soomaali oo ka baxsatay xabsi ku yaala Tribuli

Dagaal u dhaxeeya kooxo hubeysan oo Liibiyaan ah ayaa ka dhacaya magaalada Tripoli ee caasimada dalka Libya, kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaadhay dhinacyada dagaalamaya.

Kooxaha hubeysan ee ku dagaalamaya magaalada Tripoli, ayaa ku tartamaya la wareegida maamulka magaalada, waxaana ilaa iyo hadda la xaqiijiyay inay ku dhinteen ku dhawaad shan ruux 10 kalana ay ku dhaawacmeen.

Meelaha lagu dagaalamayo, waxaa kamid ah xabsiyo ay ku xidhnaayeen Soomaali tahriib ahaan ku gadhray magaalada Tripoli, kuwaasi oo qaarkood la sheegay inay ka baxsadeen xabsiga kadib markii ay ka baqeen inay rasaasta saameyso.

Xabsiyo badan oo ay ku xidhnaayeen Soomaali tahriib ah ayaa albaabada loo balaqay, sida uu xaqiijiyay Safiirka dowladda Soomaaliya u qaabilsan Midowga Yurub Danjire Ali Saciid Faqi.

“Waxaa dhamaan waalidiinta dhalinyarada ku xidhan xabsiyada Libya la ogeysiinayaa in dagaal culus uu ka dhacay magaalada Tripoli, dhawr xabsi oo Soomalida ku sugneed ayaa irida loo balaqey, waxay safaarada ka shaqeynaysaa in dhalinyarada meel la isugu keeno”. Ayuu yidhi Danjire Cali Faqi.

Soomaali badan ayaa ku xidhan xabsiyada ku yaalla dalka Liibiya, intooda badan waxaa loo heystaa falal la xiriira burcad badeednimo, dowladda Soomaaliya ayaa dhawr mar dalka keentay maxaabiis, welina waxaa socda hawlo lagu soo daabulayo maxaabiista ku xiran dalka dibaddiisa.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com