HomeUncategorized

Ganacsatada iyo rayidka Beledweyne oo dalbanaya in dib loo furo jidad muhiim ah oo la xiray

Beledweyne, December 5, 2013 - Ganacsatada iyo qaybaha bulshada ee magaalada Beledweyne ayaa cabasho ka keenay jidad dhowr ah oo xiran, tan iyo qaraxi waynaa ee dhowaan lala eegtay saldhiga booliska.

Dhagayso Warkii Fiidnimo ee Radio Daljir Axad 03 – April – 2016 Wariye Maxamed Cabdullaahi Cali Kooshin
Puntland oo ka soo hor jeesatay qaabkii ay u dhacday doorashadii Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya
DHEGEYSO-Barnaamijkii Caawa iyo Daljir iyo Axmed Sh Maxamed Tall man.

Beledweyne, December 5, 2013 – Ganacsatada iyo qaybaha bulshada ee magaalada Beledweyne ayaa cabasho ka keenay jidad dhowr ah oo xiran, tan iyo qaraxi waynaa ee dhowaan lala eegtay saldhiga booliska ee magaalada xaruunta u ah gobolka Hiiraan.

Qaybaha bulshada iyo ganacsatada oo warbaahinta la hadlay waxay sheegeen in xiritaanka jidadka magaalada Beledweyne ay caqabad ku yihiin isu socodka iyo ganacsiga.

Xaaji Cali Kaar oo ah gudoomiyaha ganacsatada gobolka Hiiraan ayaa ka dalbaday taliska booliska iyo maamulka gobolka inay furaan dhowr jid oo ku yaala Beledweyne, kuwaas oo la xiray markii weerar toos ah iyo qarax ismiidaamin ah lagu qaaday beledweyne bishii hore.

AMISOM iyo ciidamada dowladda ayaa jidadkaas xiray, markii ay weerarka tooska ah iyo qaraxa lagu qaaday saldhiga Beledweyne ay ku dhinteen 27 oo ay ku jiraan ciidamo isugu jira kuwa dowladda iyo ciidanka Jabuuti ee ku jira howl-galka.

Diiwaanka wararka

Radio daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: